Murtiile Book waa madal lagu soo bandhigo buugaag tayo leh oo kobciya akhriska, aqoonta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Waxaan aaminsanahay in buuggu beddelo nolosha qofka iyo bulshada.
Buugaag tayo leh
Carruur & Qoysas
Horumar Bulsho
Buugaag xiiso leh oo carruurta akhriska baro, waxay dhiisaan aqoon,
hal-abuur iyo mustaqbal ifaya.
Carruurta waxay helaan aqoon cusub oo nololshooda kobcisa.
Waxay dhiirrigelisaa fikirka cusub iyo hal-abuurka Caruurta
Waxay ka caawisaa carruurta inay ruumstaan kartidooda.
Akhrisku wuxuu dhisaa asaas adag oo mustaqbal ifaya.
Waxaan aaminsanahay in buuggu beddelo nolosha. Sidaas darteed waxaan kuu keenay akhris tayo leh, adeeg la isku halleyn karo, iyo waayo-aragnimo fudud oo casri ah.
Buugaag isugu jira waxbarasho, kobcin iyo madadaalo.
Ku hel buugaagtaada si fudud guri-gaaga ama meel kasta.
Buugaag iyo adeeg macmiil ku m isku halleyn karo.
Noqo qayb ka mid ah bulsho jecel akhriska buugaagta
Murtiile Book waxay ka dhalatay rumeeysadka ah in akhrisku isbedel dhab ah ka keeno. Waxaan aragnay baahi weyn oo loo qabo buugaag tayo leh oo ku saabsan taariikhda, suugaanta, dhaqanka iyo aqoonta guud ee Soomaalida.
Magaca “Murtiile” wuxuu ka yimid erayga murti, oo ah xikmad iyo tilmaanta nolosha. Waxaan rabnay in madashan ay noqoto meel qof walba ka heli karo buug wax tar leh, isla markaana ay qayb ka noqoto ilaalinta iyo gudbinta dhaqanka aqooneed ee Soomaalida.
Sheekadeennu weli way socotaa. Maalin kasta waxaan ku dadaalnaa inaan akhristayaasha gaarsiino buugaag tayo leh oo dhiirrigeliya aqoon, fikir iyo horumar.
Tuulo yar oo ku taal meel bannaan oo dabayshu mar walba ku ciyaarto, waxaa ku noolaa wiil yar oo la oran jiray Sahal. Sahal wuxuu ahaa ilmo firfircoon oo jeclaa inuu ordo, ciyaaro, oo saaxiibbadiis la qaato waqtigiisa. Laakiin hal shay ayuu aad uga fogaan jiray—buug akhriska. Maalin maalmaha ka mid ah, hooyadii ayaa u yeertay, waxayna gacantiisa gelisay buug yar oo qurux badan.
“Hooyo, maxaan buuggan ku sameeyaa?” ayuu Sahal weydiiyey isagoo yaaban. Hooyadii way dhoolla-caddaysay, waxayna ku tiri, “Buuggu waa saaxiib aan waligiis kaa tegin. Haddii aad furto, wuxuu ku geyn karaa meelo aadan weligaa arag.” Sahal wuu qoslay, wuxuuna ku jawaabay, “Laakiin hooyo, buuggu ma hadlo ee sidee buu saaxiib u noqon karaa?”
Galabtii, Sahal wuxuu aaday meel ka baxsan tuulada. Halkaas wuxuu ku arkay geed weyn oo duq ah oo keligiis taagnaa. Wuxuu fadhiistay hoostiisa, buuggii hooyadii siisayna dhinaciisa ayuu dhigay. Markii uu indhaha isku qabtay, wuxuu maqlay cod si tartiib ah u leh, “Sahal…” Wuu naxay oo hareeraha ayuu eegay, balse cidna ma uusan arag. Markaas ayuu codkii mar kale maqlay: “Aniga ayaa kula hadlaya.”
Sahal wuxuu kor u eegay geedkii, wuxuuna yiri, “Geedku ma hadli karaa?” Geedkii wuxuu ugu jawaabay, “Qofkii dhegaysta, wax walba ayuu cod ka maqli karaa.” Kadib geedkii wuxuu Sahal u sheegay inuu sannado badan taagnaa, isagoo arkay carruur koraysa, dad socda, iyo jiilal is beddelaya. Wuxuuna ku yiri, “Waxaan ogaaday in dadka wax akhriya ay leeyihiin aragti ka fog meesha ay joogaan.” Sahal muddo ayuu aamusnaa, dabadeed wuxuu furay buuggii uu hooyadii siisay.
Bog kasta oo Sahal akhriyey wuxuu u noqday albaab cusub. Wuxuu ogaaday in buuggu uusan ahayn waraaqo la isku geeyey oo keliya, balse uu yahay safar qofka maskaxdiisa iyo qalbigiisa beddeli kara. Maalmo kadib, Sahal wuxuu bilaabay inuu maalin kasta wax akhriyo. Markaas ayuu fahmay hadalkii hooyadii: buuggu wuu hadlaa, laakiin maqla qof akhriya ee la saaxiiba
Qofka buug akhriya meel keliya ma joogo;
maskaxdiisu adduunyo badan ayay martaa.
Qalinka iyo buuggu waa xusuusta ummaddu kaga gudubto waqtiga. Waxa maanta warqad lagu qoro ayaa berri noqon kara aqoon ay jiilal dambe ka faa’iidaystaan. Suugaanta Soomaaliyeedna waxay leedahay dhaxal qoto dheer oo ay abwaanno waaweyni u hureen maskaxdooda, waqtigooda iyo hibadooda. Qoraalku sidaas darteed ma aha oo keliya erayo la isku raaciyey; waa kayd xafida fikirka, taariikhda iyo dareenka bulshada.
Murtiile Book waxay aaminsan tahay in dhaxalkaas la akhriyo, la xafido, lana gaadhsiiyo jiilka cusub. Buug kastaa wuxuu noqon karaa buundo isku xidha wixii aynu soo marnay, waxa aynu maanta nahay iyo waxa aynu berri noqon doonno. Akhrisku wuxuu qofka siinayaa fursad uu kula kulmo fikrado, sheekooyin iyo xikmado ka yimid waqtiyo iyo dad aanu si toos ah ula kulmin.
maah maah caan ah ayaa ahayd the more you read is the more you know
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” wuxuu ka mid yahay hal-abuurayaashii Soomaaliyeed ee qalinka iyo aqoonta si qoto dheer ugu xidhay nolosha iyo horumarka bulshada. Maansadiisa “Sirta Nolosha” waxa ka mid ah tuducyada caanka ah ee ku boorrinaya qofka inuusan ka tegin qalinka iyo waxa uu astaan u yahay: aqoonta, fikirka iyo qoraalka.
Qofka buug akhriya meel keliya ma joogo;
maskaxdiisu adduunyo badan ayay martaa.
Buug kasta wuxuu leeyahay sheeko, aqoon iyo fursad cusub.
Bilow safarka aqoonta maanta.